Xog hoose oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in uu khilaaf cusub uu soo kala dhex galay ururka fashilmay ee EPRDF iyo qaar kamid ah waxa loogu yeedho Kilalada ee kajira wadanka gumaysiga Itoobiya.

Khilaafkan cusub oo sida lasheegayo soo kala dhex galay taliska wayaanaha iyo horjooge yaasha gumaysiga u adeega ee Oromia iyo Ogadenia kuwaas oo sida lasheegayo kabiyo diiday go’aamo lidi ku ah iyaga oo kasoo baxay shirkii dhawaan kusoo dhamaaday magaalada Addis Ababa ee urur kusheega EPRDF.

Horjooge yaasha kilalada Oromada iyo Soomalida ayaa kasoo horjeedsaday mid kamid ah go’aamadii EPRDF oo ahaa in la baabi’iyo ciidamada gaarka ah ee lagu magacaabo Layuu Police (Hawaarin) kuwaas oo kajira Oromia iyo Ogadenia.

Ciidamadan oo ah kuwo u adeega gumaysiga isla markaana fuliya amarada kasoo baxa taliska wayaanaha iyo horjooge yaasha kilalada ayaa gaystay xasuuqyo iyo xad gudubyo aad uwaawayn oo ay ugaysteen shucuubta kudhaqan Ogadenia iyo Oromia, waxayna hay’adaha xuquuqul insaanku diiwaan galiyeen kumanaan shacab ah oo lagu xasuuqay labada wadan waa Ogadenia iyo Oromia e.

Sida aan qormooyin kaanagii hore kusheegnay ciidamada Hawaarinta ee labada deegaan laga sameeyay ayaa loogu tala galay xasuuqa shacabka Soomaalida Ogadenia iyo shacabka Oromada, waxayna labada ciidanba kushaqeeyaan amarka saraakiisha wayaanaha, waxaana lawada soconaa in taliska wayaanuhu uu igadh salaaxay colaada udhaxaysa shacabka Oromada iyo Soomaalida.

Hase yeeshee si uu taliska wayaanuhu dhan isaga mariyo eedaynta hay’adaha xuquuqul insaanka ayuu eeda dusha usaaray kuwii uu u adeegsaday hurinta colaada, wuxuuna taliska wayaanuhu hada kutala jiraa sidii uu uga takhalusi lahaa labada ciidan ee dabaqoodhiga u ah wayaanaha ee kadhisan Ogadenia iyo Oromia.

Dhinaca kale cabdi Ilay oo ah ninka loo igmada samaynta maleeshiyaadka Soomaalida ah ee lagu eedaynayo xasuuqa dadka shacabka ah ayaa afka furtay kadib markii uu dareemay culays dhinaca taliska wayaanaha uga imaanaya, wuxuuna ku andacoonayaa in ay ciidankanu yihiin kuwo aan laga maarmi karaynin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay