Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu xaalad caafimaad oo aad uliidata kujiro siyaasiga caanka ah ee lagu magacaabo Bakale Gerba, kaas oo mudo sanad kabadan u xidhnaa ciidanka wayaanaha.

Bakele Gerba oo ahaa siyaasi aad looyaqaano kana tirsanaa xisbiga mucaaradka ah ee Oromo Faderalist Congress (OFC) ayaa laxidhay halsano kahor waxaana siyaasiga lagu eedeeyay in uu dadka shacabka ah ee qoomiyada Oromada kiciyay, isla markaana uu qalqaalinayo sidii talada looga tuuri lahaa xisbi kusheega EPRDF/TPLF.

Bakele Gerba oo sida lasheegay qabay xanuuno badan oo daryeel caafimaad ubaahnaa ayaa xaaladiisa aad looga dayrinayaa sida uu sheegay mid kamid ah wiilashiisa oo lagu magacaabo Bontu Gerba oo saxaafada lahadlayay.

Siyaasigan ayaa lasheegayaa in bil kahor ay maxkamad ogolaatay in lagu siidaayo damiin, hase ahaatee go’aankaas waxaa qaadacay ciidanka sirdoonka wayaanaha oo iyagu aan tixgalinin sharciga iyo maxkamadaha toona. Waxaana sida muuqata hir galay amarkii ciidamada oo ahaa in lagu siihayo xabsiga.

Bontu Gerba oo ah wiilka Bakele Gerba ayaa laanta Afka Axmaariga ee Ideecada Jarmalka usheegay in uu aad uliito aabihii oo sida uu sheegay aan haysanin dawo iyo daryeel kale toona, sidoo kale Buntu Gebra ayaa sheegay in xabsiyada wadanka ay kujiraan kumanaan xanuunsan iyo waliba kumanaan kale oo xabsiyada ku dhintay.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa dhankooda dhaleeceeyay sida loola dhaqmay siyaasiga, waxayna hay’aduhu siwayn u dhaliileen dhaqanka ciidamada wayaanaha ee naxariis darada ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay