Madaxda dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in weerar ismiidaamin ah uu Isniintii lasoo dhaafay diley afar qof oo shacab ah iyo labo askarta sirdoonka kamid ah, halka uu dhaawacay labo qof oo kale oo shacab ah.

Qaraxan ayaa ka dhacay bar baabuurta lagu baadho oo ku taala wado aad mashquul u ah gudaha caasimada Afgaanistan ee Kabul. In kasta oo qaraxa loola dan lahaa askarta Afgaanistan hadana waxaa uu haleelay gaadhi ay dad shacab ahi wateen, sida uu sheegay Najib Danish oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Jabhada Dowlada Islaamka ayaa sheegatey masuuliyada weerarkan. Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Sarah Sanders ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka warbixin laga siiyay weerarkan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay