Wararka naga soo gaadhaya magaalada Arbamich ee Gobolka Shucuubta Koonfureed ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in ay halkaas kagoosteen qaar kamid ah ciidamada wayaanaha oo howlgal ujoogay.

Sida xogta aan kuhelayno 15 askari oo kamid ah ciidamada wayaanaha ayaa goostay kadib markii loodiray in ay ilaaliyaan xaflad ciid ah oo dadka deegaanku ay lahaayeen, ciidankan oo goostay oo sitay hubkoodii ayaan la ogayn meesha ay kusugan yihiin iyo sababta keentay in ay goostaan toona.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkeen askartan goosatay oo isu dhiibay jabhadaha hubaysan ee kadagaalama deegaanadaas, waxayna dadka deegaanku xaqiijinayaan in ay hubkoodii ula galeen Jabhadaha dhulkaas kadagaalama.

Ciidanka wayaanaha ayaa bilihii lasoo dhaafay aad ubaxsanayay iyagoo sida lasheegay isu dhiiba Jabhadaha hubaysan ee ladagaalama taliska wayaanaha, baxsadka ciidanka ee aan kala joogsiga lahayn ayaa yimid kadib markii uu lumay haykalkii dowlad nimo isla markaana ay ciidamadu waayeen xuquuqddoodii oo dhan sida dawadii, cunadii, dirayskii iyo mushaarkiiba.

Sidoo kale ciidanka wayaanaha ayaa lasheegayaa in ay kaniyad jabeen shacabka laxasuuqayo, waxaana lasoo tabinayaa in ay askartu awoodi wayday in ay gacabtooda ku gumaadaan dadkoodii iyo waliba deegaanadii ay kasoo jeedeen.

Dhinaca kale waxaa iyaguna aad ubaxsada saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumada wayaanaha iyo shaqaale hoosaadka xukuumada wayaanaha, kuwaas oo sida lasheegay dhamaantood ubogi waayay sida ay wax usocdaan iyo wadada khaldan ee dalka lagu hogaaminayo.

Sidoo kale waxaa guud ahaan wadanka kadhacay boob hantiyeed kaas oo sahlay in ay dhamaan saraakiisha wayaanuhu kulug yeeshaan musuq maasuq baahsan oo dhankasta ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay