War hada soo dhacay ayaa sheegaya in ururka khalkhashan ee TPLF ay ciidankii wayaanaha kasoo saareen xuduuda ay colaadu ka aloogan tahay ee udhaxaysa wadamada Itoobiya iyo Eritrea.

Sida xogta aan kuhelayno taliska guud ee ciidanka wayaanaha ayaa saraakiisha Tigreega ah ee kusugan xuduuda Itoobiya iyo Eritrea ku war galiyay in ay ciidanka kasoo saaraan halkaas si ay udifaacaan waxa loogu yeedhay dagaalka kasocda gudaha Itoobiya, waxaana lasheegayaa in ay halkaas kasoo baxeen kumanaan ciidan ah oo u badan qoomiyada Tigreega.

Ciidamadan laga soo saaray jiida hore ee dagaalka ayaa lagu sheegay in lagu badali doono maleeshiyo beeleed udhalatay qabiilka Tigreega kuwaas oo lagu sheegay in ay difaaci doonaan ciidamada Eritrea ee kusugan xuduuda ay colaadu kataagan tahay ee Itoobiya iyo Eritrea.

Ciidanka laga soo saaray furinta dagaalka ayaa lasheegayaa in lagayn doono goobaha ugu daran ee kacdoonadu ay kajiraan sida magaalada caasimada ah ee Addis Ababa iyo waliba goobo kale oo ay kujirto magaalada Naziret ee xarunta u ah Gobolka Oromada, halkaas oo kacdoono lootaag la’yahay ay kajiraan.

Kooxda hogaanka kufashilantay ee TPLF ayaa iska ilowday colaadii u dhaxaysay iyaga iyo Eritrea, kadib markii culays lixaad leh uu kasoo fuulay gudaha wadanka, waxaana lasheegayaa in si habayaaq ah ay ciidankoodii uga soosaareen jiida hore si ay kacdoon wadayaasha udifaacaan.

Kooxda TPLF ayaa lasheegayaa in ay awoodi waayeen xakamaynta kacdoon wadayaasha, waxaana lasheegayaa in ay xidhan yihiin wodooyin muhiim ah oo ay had doonayaan in ay furaan kadib markay ciidamada geeyaan.

Dadka arimaha Itoobiya udhuun duleela ayaa sheegaya in talaabadan aysan waxba soo kordhin doonin marka laga reebo in dadka shacabka ah ladhibaatayn doono.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay