Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in madaxwayne kusheegii Gobolka Axmaaradu uu si dag dag ah wadanka uga amba baxay isagoo sida lasheegay aan shaacinin safarkiisa.

Gedu Indergachew oo ah horjoogaha Gobolka Axmaarada ayaa lasheegayaa in uu u amba baxay wadanka Maraykanka halkaas oo safar aan ujeedadiisa la ogayn uu ku tagay, waxaana shaki wayn lagaliyay safarka Gedu.

Gedu Indergachew oo ah horjoogaha Gobolka Axmaarada isla markaana ah gudoomiye kuxigeenka xisbiga ANDM ee bahwadaagta la ah xisbiga EPRDF, ayaa siwayn loogu dhaganaa kadib markii mudooyinkii ugu dambeeyay shirar joogta ah ay lahaayeen EPRDF tu.

Sida aan lawada soconay xisbi kusheega EPRDF ayaa todobaadadii lasoo dhaafay lahaa shirar isdaba joog ah kuwaas oo sida lasheegay lagu lafa guray howlaha cakiran ee ururka iyadoo laga hadlay dadka fashiliyay howlaha ururka, waxaana larumaysan yahay in uu Gedu koow ka ahaa dadka ay xisaabtu kusocotay.

Dadwaynaha ree Itoobiya ayaa siwayn isu waydiinaya sababta keentay safarka dag daga ah ee siyaasigan soo galay, iyo ujeedada kadambaysa in uu u amba baxo cariga Maraykanka isagoo aan shaacinin safarkiisa.

Guud ahaan wadanka Gumaysiga Itoobiya waxaa kajira qalalaase wakhti dheer socda oo ay adkaatay in laxaliyo, waxaana hada sooshaac baxay khilaaf wayn oo udhaxeeya saraakiisha wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay