Mudaharaad laba maalmood socday oo ka dhacay Fiiq

23 iyo 24 bishan Febraayo 2012   waxa uu mudaharaad ka dhacay degamada Fiiq ee magaalo madaxda Gobolka Nogbeed. Sababta mudaharaadkan ayaa  lagu sheegay inay  ahayd fal fara xumayn ah oo ka dhacay badhtamaha magaalada  waqti maalinimo ah, kaas oo ay dadkii arkayay dhacdadaas si wayn  uga xumaadeen ,kana gadoodeen, hasayeeshee wali nama soo gaadhin magaca gabadhaasi dhibkaa loo gaystay

Mudaharaadkan oo socday  laba maalmood ayaa inta la ogayahy waxaa ku dhintay nin waayeel ah oo ka mid ahaa dadkii sida wayn uga dhexmuuqday  oo lagu magacabi jiraya  ALLE ha u Naxariistee  marxuum Nuuriye, dhacadadan ayaa si way u badashay dareenka dadkii arkayay.

Sida la ogyahay  kufsiga, xasuuqa dhaca iyo  waxyeelaynta shacabka ogaadeenya   ay u gaystaan ciidamada cadawgu waa mid joogto ah.  Hase yeeshee  tani waxay kaga duwan tahay   goobta  ay ka dhacday oo ah  goob suuq ah iyo  goorta ay dhacaday oo ah waqti maalin ah.  taasina waxay keentay in ay adkaysan waayaan dadkii hortooda falka lagu samaynayay, sidaana uu ku bilawday mudaharaadku .

Guud ahaan dhibaatooyinkan ayaa waxay xidhiidh la leeyihiin  argagaxa lagu hayo shacabka ogaadeenya sida  kii dhawaan ka dhacay gunagado , abshir  iyo qaxii  deegaanada wargaadsan , boodhlay iyo meelo kale oo kamid ah Ogadeniya.

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay