War-murtiyeed kasoo baxay xafiiska ciidamada Mareykanka ee Africa (Africom) ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Soomaaliya ay duqayn diyaaradeed ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya laguna dilay 13 malseehiyo oo ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya, ilaa meesha laga saaro kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo ciidamada Amaanka Soomaaliya ay kala shaqayn doonaan sidii si wada jir ah loogu bartilmaameedsan lahaa xarumaha ay ku tababartaan ciidamada ururka Shabaab.

Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howl galo ka wada Gobollada dalka kuwaas oo bur buriyay saldhigyo kooxda Shabaab ay ku leedahay qaybo ka mid ah dalka. Mareykanka oo kaashanaya saaxiibadiisa caalamiga ah ayaa balan qaaday in ay siinayaan ciidamada Soomaaliya iyo AMISOM taageero ku saabsan ladagaalanka kooxaha hubaysan ee Soomaaliya ka dagaalama sida Al-Shabaab iyo Daacish.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay