Wararka ka imanaya dalka Mozambique ayaa sheegaya in laga helay dalkaasi maydadka 13 qof oo loo malaynayo in ay Soomaali yihiin. Maydadka dadkan loo maleynaayo Soomaalida ayaa Axadii laga helay kayn ku taalla Gobolka Sofala.

Shacabka ku nool deegaanka maydka dadkan laga helay ayaa dareemay ur iyaga oo markaa kadibna booliska ku war galiyay arrintaasi. Shaqaalaha xafiiska dambi-baadhista ee qaybta caafimaadka iyo saraakiil ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha dalka Mozambique ayaa tagay goobta laga helay meydadka.

Ilo wareediyo kala duwan ayaa saxaafada u sheegay in dadkan dhintay loo malaynayo in ay ku dhex dhinteen koontaynar lagu dhex xidhay iyaga oo ka dhuumanaya booliska dalkaasi, waxaana loo badinayaa in ay rabeen in ay tahriibaan. Booliska dalka Mozambique ayaa ballan qaaday in ay samaynayaan baadhis lagu ogaanayo xaqiiqada arrintan.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay