Halgamayaal si kasta oo loogu kala duwanyahay qeexida micnaha erayga maamul hadana waxaa sugan inuu maamulku weeleeyo: Qorshayn, Abaabul, U hurid hawsha itaalka maadiga ah, Hogaamin iyo Jihayn, waxaana aynu ku qeexi karaa sadexdan qodob ee hoose:

  1. Maamul waa faltaxa (Nidaamka) qorshaynta, hogaaminta, abaabulka iyo jihaynta xubnaha si loo xaqiijiyo ujeedooyin la go’aansaday hirgalintooda.
  2. Maamul waa jidka ay ururadu ku beegsadaan hirgalinta ujeedooyinka la astaystay iyada oo la hawlgalinayo xubnaha ururka.
  3. Maamul waa waxqabadka ay dadku ku xushaan, ku qorshaystaan, ku abaabushaan barnaamijyada hawleed si ay ku beegsadaan, xaqiijinta  yoolal ay astaysteen.

MAXAA LOOGA BAAHANYAHAY MAAMUL ?

Halgamayaal hadii aynu si kooban u soo qaadano waxyaabaha looga baahanyahay, maamul waxaan ku soo uruurin karaa 12kan qodob ee hoose:

  1. In itaalka ururka loo isticmaalo si wax ku ool ah taasina ay keento in ay xubnaha ururka niyadu u xasisho, raalina wada noqdaan.
  2. In ay xubnaha ururku is adeecaan taasoo keenaysa inuu ururku xasilo oo ay cududa ururku midowdo hal meela loo jiheeyo.
  3. In si aan mugdi ku jirin ay dhamaan xubnaha ururku u wada ogaadaan/arkaan muuqaalka mustaqbalka loo halgamahayo.
  4. In lagu dhiirado lana higsado yoolal iyo ahdaaf ay adagtahay sida loo hirgalinhayo.
  5. In ururka loo yagleelo qiyaam suuban(positive values) oo ay xubnuhu wadaagaan oo si joogto ah loogu dhaqmo, habraac cadaaladeed, asluub iyo akhlaaq tusaale ah oo lagu wada daydo(Hide urureed).
  6. In xubnaha ururku ay noqdaan kuwo isku kalsoon oo ka madax banaan Kooxaysi, is aamindaro, iyo hardan dhexdooda ah.
  7. In xubnaha ururka ee hawl wadeenada ah lagu kaaliyo taba baro xaga hogaaminta ah, isla markaana ay xubnuhu u hawlgalaan/shaqeeyaan si xilqaadnimo iyo xisaabtan ku salaysan.
  8. In ay xubnuhu garwaaqsadaan kaalinta iyo doorka muhiimka ah ee ay ku dhex leeyihiin ururkooda jwxo.
  9. In xubnuhu garwaaqsadaan oo ay qirtaan gafafkooda isla markaasna ay dusha u ritaan xilka xal u helida dhibaatooyinka, iyaga oo ogaanhaya caqabadaha la xidhiidha wax qabadkooda.
  10. In xubnuhu iyagu is qiimeeyaan iyaga oo isu fiirinhaya sida ay isugu dhigmaan yoolashii u astaysnaa iyo waxqabadkii u meelmaray.
  11. In ay xubnuhu noqdaan kuwo si firfircoon fursadaha u raadsada oo korodhsada aqoontooda iyo khibradooda si ay sabab ugu noqoto wanaajinta tayada waxqabadkooda.
  12. In ay xubnaha ururka jwxo noqdaan kuwo si furan uga wada doodi kara dhibaatooyinka aloosma, iyaga oo si madax banaan isu waydaarsanhaya aqoontooda iyo khibradooda waya aragnnimo.

Lasocda qaybaha kale ee soosocda Isha Allaah

By Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.