Wararka naga soo gaadhaya magaalada Shambo ee Gobolka Wallega ayaa sheegaya in ay fooda isdareen kacdoon wadayaal cadaysan iyo ciidamada gumaysiga Itoobiya ee halkaas kusugan.

Sida xogta aan kuhelayno iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii dadwaynaha ree Shambo ay is hortaageen baabuur ay sonkor saarantahay oo usocday dhinaca magaalada Addis Ababa, sonkorta ayaa lasheegayaa in laga soo raray warshada sonkorta ee Funchi.

Dadwaynaha ayaa baabuurta is hortaagay iyagoo kudoodaya in sonkorta looga baahan yahay Gobolka Wallega iyo deegaanada kuxeeran, dadwaynaha ayaa saraakiisha wayaanaha ee sonkorta wadatay kadalbaday in sonkorta lagu dajiyo magaalada Shambo si ay u iibsadaan dadka shacabka ah ee kudhaqan Wallega.

Hase yeeshee saraakiil katirsan ciidamada wayaanaha oo ay sonkortu urarayd ayaa gaashaanka ku dhuftay codsiga shacabka ree Wallega, waxaana intaas kadib dhacay iska hor imaad wayn oo dad shacab ah ay kudhinteen isla markaana baabuurtii ku qasbay in uu socodkoodii hakado.

Goob jooge kusugan magaalada Shambo ayaa warfidiyeenka usheegay in ay rabshadahaas kudhinteen 5 qof oo shacab ah halka 50 qof oo arday ahna ladhigay xabsiyada magaalada Shambo ee Gobolka Wallega.

Dhinaca kale waxaa xalay iyo maantaba bandow lagu soo rogay magaalada Shambo, waxaana wadooyinka magaalada lagu arkayaa ciidamo aad ubadan oo lagu soo saadiyay gudaha magaalada iyo waliba shacabka oo sida lasheegayo aad ukacsan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay