Qaar kamid ah illo wareedyada ugu waaweyn ee dhanka ammniga ee Yurub ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in maraakiib shidaal oo Ruushka laga leeyahay ay dhawaan shidaal geeyeen Kuuriyada Waqooyi.

Shidaalka ayaa la sheegay in Markab Ruush ah uu ku wareejiyay markab kale oo ay leedahay Kuuriyada Waqooyi. Tallaabadan ayaa noqonaysa mid jabinaysa cunaqabataynta hay’adda Qaramada Midoobay (QM) ee ay saartay Kuuriyada Waqooyi.

Illo wareedyadan ayaa sidoo kale sheegay in sirdoonka ciidamada bada iyo sawiro lagu qaaday dayax gacmeedka ay muujiyeen maraakiib ka howlgaleysay dakaddaha Ruushka ee badda Pacifi-ga. Mid ka mid ah illo wareedyadan ayaa sheegay in aan loo heynin wax cadeyn ah in xukuumada Ruushka ay ku luglahayd arrintan iyo inkale.

Mulkiilaha mid kamid ah maraakiibta ayaa lagu eedeeyay in uu shidaal geeyay Kuuriyada Waqooyi, balse waa uu beeniyay eedeymahaasi. Marsii horeysay ayaa waxaa soo baxay in Kuuriyada Kuunfureed ay qabatay Markab ka diiwaan gashan wadanka Shiinaha, kaasi oo looga shakiyay in sidan oo kale uu shidaal u geeyay Kuuriyada Waqooyi.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay