Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu soo dhamaaday kulankii aan muhiimada badan lahayn ee ururka talada wadanka Itoobiya haya ee EPRDF, kaas oo laga soo saaray go’aamo riqiis ah.

Sida xogta aan kuhelayno xubnaha gudiga fulinta ee EPRDF ayaa kulankoodii kadib soo saaray bayaan ay saxaafada uqaybiyeen kaas oo haba yaraatee wax nuxudh ah aan lahayn isla markaana laga dheehan karay tabar yarida kooxda fashilantay ee EPRDF/TPLF.

Bayaanka ayaa lagu soo malmaluuqay sheeko xariiro ay kamid tahay in qoomiyadaha wadanka wada daga looqaybin doono Janaraalada ciidamada xukuma iyo waliba jagooyin kale oo muhiim ah, kuwaas oo sida bayaanka lagu sheegay ubadan qoomiyada tirada yar ee Tigreega.

Hase yeeshee waxaa go’aankan beenta ah isla markiiba qaadacay saraakiisha ciidamada wayaanaha kuwaas oo ku tilmaamay go’aan lagu faro galinayo ciidamada, dhinaca kale saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in uu hadalkan kamid yahay balanqaad yadii beenta ahaa ee kooxda looga bartay.

Sidoo kale ciidamada ayaa kuhanjabay in hadii ciidamada lasoo faro galiyo ay iyaguna faro galin doonaan talada murugsan ee wadanka, taas oo sida ay sheegeen ay wax badan kaqaban doonaan kadib faro galin tooda.

Saraakiisha ciidamada oo ubadan qabiilka Tigreega ayaa umuuqda in ay kabiyo diidan yihiin go’aanka sheegaya in jagooyinka ciidanka si siman looqayb sado taas oo sida muuqata ay saraakiisha Tigreegu durba jawaab kulul kabixiyeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay