Waxaa sii kordhaya isku dhacyada booliiska iyo dibadbaxayaasha dalkaasi Iiraan. Muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ugu yaraan 2 qof oo lagu toogtay magaalada ku taala galbeedka dalkaasi ee Dorud.

Magaalada Abhar, oo ku taalla waqooyiga dalkaasi dibad baxayaasha ayaa gubay tabeelo uu ku dhaganaa sawirka hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan Ayatollah Cali Khamenei. Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale magaalada Mashdad ku gubay gaadhi ay booliiska leeyihiin iyo mooto.

Caasimadda Tehran, ayaa waxa ay dibad baxayaasha ay isgu soo baxeen badhtamaha magaalada waxa ayna booliiska iyo militariga ay ugu baaqayeen in ay ku soo biiraan. Madaxwayne Trump ayaa bartiisa tweetarka ku qoray in xukumadaha wax cadaadiya aysan sii waari doonin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay