Wararka naga soo gaadhaya xuduuda wadamada Sudan iyo Itoobiya ayaa sheegaya xiisad colaadeed oo ayaamihii lasoo dhaafay kataagnayd halkaas iyo Sudan oo go’aan adag kaqaadatay.

Sida xogta aan kuhelayno dowlada Sudan ayaa xayiraad kusoo rogtay isusocodka xuduuda labada wadan ee Sudan iyo Itoobiya kadib markii dowlada Sudan ay u dulqaadan wayday khaladaad farabadan oo kaga imanayay dhinaca wadanka ay xasilooni daradu kajirto ee Itoobiya.

Warka ayaa intaas kudaraya in bilihii lasoo dhaafay ay xuduuda dhinaca Itoobiya ka gudbayeen maleeshiyaad hubaysan oo dhac iyo faldambiyeedyo kale ka gaysanayay gudaha wadanka Sudan, kuwaas oo dhibaato ugaystay dadka shacabka ah ee ree Sudan.

Dowlada Sudan oo sida muuqata u adkaysan wayday dhibaatada shacabkeeda loogaysanayo ayaa ugu dambayntii maalin nimadii shalay qaadatay go’aan adag waxayna xukun dag dag ah oo 6 bilood soconaya kusoo rogtay xuduuda dheer ee ay lawadaankaan wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Qalalaasaha iyo xasilooni darada kajirta gudaha wadanka Itoobiya ayaa saamayn wayn kuyeelatay wadamada dariska, waxaana sanadihii lasoo dhaafay cabanayay wadamada ay Itoobiya oodwadaagta yihiin kuwaas oo maleeshiyooyin aan cidna ka amarqaadanin ay dhibaatooyin ugaystaan shacabkooda.

Xuduuda wadanka Sudan ee laxidhay ayaa xukuumada wayaanaha kubeertay wal wal cusub, halkaas oo waayadan dambe uu kaxidhnaan adeegoodu iyagoo isticmaali jiray dakada wadanka Sudan oo inta badan uu kasoo dago agabka ciidamada wayaanuhu ay isticmaalaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay