Dawladda Jarmalka ayaa bilaabaysa dhaqangalinta sharciga baraha bulshada ka dalbanaya in ay si deg deg ah uga saaraan hadalada nacaybka, wararka been abuurka ah iyo waxyaabaha kale ee sharcidarada ah.

Baraha aan tirin waxyaabaha “ay iska caddahay in ay sharcidaro yihiin waxaa laga yaabaa in ay wajahaan ganaax lacageed oo gaadhaya 50 milyan oo Euro. Sharcigan ayaa baraha siin doona mudo 24 saac ah si ay u tiraan waxyaabaha aan sharciga waafaqsanayn ee lasoo galiyay. Baraha bulshada iyo warbaahinnada kale ee ay ku xidhan yihiin in kabadan labo milyan ayuu sharcigani qaban doonaa.

Facebook, Twitter iyo YouTube ayaa ah ku uu sharcigani diiradda saaro waxayse u badan tahay in uu qaban doono Reddit, Tumblr iyo barta bulshada ee Ruushka ee VK. Shirkadaha kale ee Vimeo iyo Flickr ayaa laga yaabaa in uu qabto iyagana.

Sharciga Netzwerkdurchsetzungsgesetz (NetzDG) ayaa la meelmariyay dhammaadkii bishii Juunyo ee 2017kii, wuxuuna dhaqan galay horraantii bishii Oktoobar. Laakiin baraha bulshada ayaa la siiyay tan iyo dhammaadkii 2017kii si ay ugu tabaabushaystaan sharciga NetzDG.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay