Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong Un, ayaa sheegey in Mareykanka ay tahay in uu aqoonsado in barnaamijka Nugleerka ee dalkaasi uu yahay mid dhab ah.

Hadalkiisa sanadlaha ah ee uu jeediyay Isniintii shalay ahayd, ayuu Kim ku hanjabay in badhanka Nugleerka dalkiisa uu ku heysto xafiiskiisa. Waxa uu sheegey in dhammaan dhulka bariga ah ee Mareykanka ay ku jiraan shiishka (Liishada) Nugliyerkooda.

Waxa uu Kim Jong Un sheegey in dalkiisa uu u babac dhigi karo han-jabaad kasta oo Nugleer ah oo kaga timaada Mareykanka. Waxana uu sheegey in ay haystaan ka hortag Nugleer oo xoogan kaas oo awood u leh in uu ka hor tago Mareykanku hadii uu isku dayo in uu kurido dalkiisa.

Xiisada udhaxaysa woqooyiga kuuriya iyo wadanka Maraykanka ayaa maalinba maalinta kadambaysa sii kordhaysa, waxaana isha lagu wadahayaa waxa dhici doona mustaqbalka.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay kadib markuu talada wadanka Maraykanka lawareegay Donel Trump, waxaana xaalada baasiin kusii shubay hanjabaadadii badnaa ee Trump doorashadiisii kadib.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay