Kulan aad muhiim u ah ayaa lagu qabtay xafiiska jaaliyada ogaadeeniya ee magaalada edmonton waxaana kasoo qayb galay qaarkamida masuuliyiinta JWXO iyo maamulka jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Canada.

Shirka waxaa furay gudoomiyaha jaaliyada Ogadeniya mudane faarax Mursal oo ka warbixiyey hawlaha u qabsoomay jaaliyada sanadkii tagay iyo hawlaha u yaala sandkan cusub ee la rabo in laqabto wuxuuna halkaa ka bogaadiyey hawlwadeenada jaaliyada sida hufan ee ay goorwalba ugu hawlan yihiin dardargelinta halganka.

Waxaa halkaa lagu falanqeeyey geedi socodka halganka,abaabulka shacabka ogaadeeniya gude iyo dibadba iyo sidoo kale sidi shacabka Ogadeniya loo midayn lahaa, waxaa halkaa warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeedisay Dr’s cibaado xirsi oo ka mid ah madaxda JWXO.

Dood aad u dheer oo qaadatay wakhti badan kadib waxaa hoosta laga wada xariiqay dardar gelinta hanaanka geedi socod halganka ay JWXO hormuudka u tahay.

Waxaana sanadkan cusub u rajaynaynaa shacabka Ogadeniya in ilaahay guul gaadhsiiyo halgankoodana ku guulaystaan, wuxuuna shirku gaba gabadii ku soo dhamaaday is af garad iyo guul.

ONA/Edmonton.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay