Waxaa wali dalka Iran ka socda banaanbaxyada looga soo horjeedo dowlada, waxaana sii kordhaysa tirada dadka ku dhintay mudaharaadyada rabshadaha wata.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhimatay mudaharaadyada oo sii xoogaystay Sabtidii lasoo dhaafay, banaanbaxyada oo ku fiday magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi gaar ahaan Gobalada galbeedka, arrintan oo kadis ku noqotay xukuumada. Madaxweyne Xasan Rowxani oo markii ugu horaysay ka hadlay kacdoonkan ayaa sheegay in shacabka ay xaq u leeyihiin in ay cabashadooda muujiyaan balse ka digay in khal khal la galiyo amniga dalka.

Inkastoo Madaxweynaha uu garawsho u muujiyay dadka banaanbaxaya, hadana dhinaca hay’adaha amniga ee dalkaasi ayaa sheegay in ay talaabo adag ka qaadi doonaan dadka qaban qaabiyey banaanbaxyadan oo ay sheegeen in ay ku lug leeyihiin dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Sacuudiga.

Dowlada ayaa hawada ka saartay in badan oo kamid ah baraha Internetka walow aysan taasi hakin mudaharaadyada socda, waxaa sidoo kale jira boqolaal qof oo ay laamaha amaanka xabsiga dhigeen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay