Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay saraakiil kamid ah ciidamada sirdoonka wayaanaha oo faraha kula jiray musuq maasuq baahsan iyo ganacsi aan xalaal ahayn.

Sida xogta aan kuhelayno dadka kacdoon wadayaasha ah oo kaashanaya Booliiska wayaanaha ayaa gacanta kudhigay saraakiil katirsan ciidanka sirdoonka wayaanaha oo watay 68 kun oo bir oo lacag been abuur ah ama feeg ah oo ay doonayeen in ay dadka kudhacaan.

Saraakiishan sirdoonka wayaanaha katirsan ayaa lasheegayaa in lagu qabtay mikiinada lacagaha been abuurka ah lagu sameeyo taas oo sida laxaqiijiyay ay kusameeyeen malaayiin bir oo lacagta Itoobiya ah, lacagtaas oo sida muuqata ay dadka shacabka ah wax kaga iibsadeen.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa bilihii lasoo dhaafay mashquul ku ahaa wax isdaba marin iyo ganacsi aan xalaal ahayn waxaana wadankaas laga diiwaan galiyay dhacdooyin badan oo laxidhiidha ciidamada oo musuq maasuq kumashquulsan.

Sida aan horaan idiinla wadaagnayba ciidamada wayaanaha ayaa iyagoo baabuurta dowlada adeegsanaya kaganacsanayay saliida iyo sonkorta oo gabi ahaanba laga waayay ama kuyaraaday gudah wadanka Itoobiya, waxaana kacanta lagu dhigay qaar kamid ah ciidamada gumaysiga oo falkaas kujiray.

Sidoo kale ciidamada gumaysiga ayaa indhawaalaba siwayn uga ganacsanayay jaadka (qaadka) oo dadka shacabka ah ee Oromadu ay gaynwaayeen dhulkii ay u iibgayn jireen colaado qabiil oo dhacay owgood, waxaana la arkayay diyaaradaha qumaatiga ukaca ee ciidanka wayaanaha oo lagu qaadayo Jaadka ama Qaadka.

Dhaqankan ay ciidamada wayaanuhu ku dhaqaaqeen ayaa muujinaya burburka xukuumada wayaanaha iyo heerka musuq maasuqa oo hada Itoobiya kagaadhay meel aan lasaadaalin karin, waxaana wadanka caadi kanoqotay boobka hantida shacabka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay