Soo saarista buugga cusub ee laga qoray Trump ayaa mar kale banaanka keenay dood horey u socotay oo ku saabsanayd xaalada caafimaadka maskaxda ee Donald Trump.

Doodan waxa ay socotay xitaa ka hor intii uusan xafiiska la wareegin, balse hada waxa ay gaadhay halkii ugu saraysay, iyada oo la hadal hayo in da’diisa awgeed ay hoos usii dhacayso awooda maskaxdiisa.

Buugga uu qoray Michael Wolff ayaa lagu sheegay in Trump uu muujinayo astaamo kasii daraya oo ku saabsan in uusan maskax ahaan fayoobeen. Buugaag kale oo badan oo laga qoray caafimaadka maskaxda Trump waxaa ka mid ah The Dangerous Case of Donald Trump oo uu qoray Bandy X Lee; Twilight of American Sanity oo uu qoray Allen Frances iyo Fantasyland oo uu qoray Kurt Andersen.

Dr Lee oo ah dhaqtar xagga dhimirka ku takhasusay oo ka hawlgala jaamacadda Yale ayaa koox xildhibaano dimoqoraadi ah u sheegay in Trump uu waali maryaha dhigan doono. Waa arrin uu shaqadiisa ku weyn karo haddii la xaqiijiyo in uu waalanyahay, sababtana waxa ay tahay in qodobka 25 aad ee dastuurka Maraykanka uu dhigayo in hadii uu madaxweynaha waasho madaxweyne ku xigeenka uu la wareegayo xilka.

Waxaana mooshin ka geyn kara madaxweyne ku xigeenka iyo aqlabiyadda golaha wasiiradda, taas oo hada aysan muuqanin suurtogalnimadeeda, balse codadka ka dhanka ah Trump ayaa aad usoo kordhaya.

Waxaa la’is barbar dhigay muuqaalo horay looga duubay iyo kuwa cusub, waxaana la arkay in uu jiro isbadal weyn oo ku saabsan dabeecadiisa, markii hore wuxuu ku hadli jiray hadalo dhaadheer oo aad u adag, isaga oo hadalka dhexdiisa ku fikiri jiray, islamarkaasna isticmaali jiray sifooyin, halka muuqaalada mardhow laga duubay uu isticmaalo erayo gaagaaban, haddana yar, weedhaha qaarkood waa u gooyaan, gafgafaa, isaga oo isticmaala erayo ka badbadin ah sida “ugu fiican”.

Xeeldheerayaasha waxa ay leeyihiin waxaa laga yaabaa in ay ugu wacantahay hilmaam ama xitaa da’diisa oo sii weynaatay awgeed. Waxaa farta lagu fiiqay in ay jirtay mar madaxweynaha uu labada gacmood ku qaatay galaas biyo ah oo uu cabbay iyo mar isaga oo hadlaya uu codkaba ka lumay.

Todobaadka dambe, madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in uu maro baaritaankii ugu horeeyay oo caafimaad oo xagga maskaxda ah tan iyo intii uu xilka qabtay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay