Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in dhamaan Gobolada iyo Dagmooyinka Axmaarada lagu daadiyay ciidamo aad ubadan oo loogu magac daray ciidanka amni dhalinta Gobolka.

Sida xogta aan kuhelay waxa loogu yeedho gudiga amniga ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegay in ay ciidamada Gobolka heegan galinayaan si ay amaanka kasii daraya u hantaan isla markaana udamiyaan colaadaha ragaadiyay deegaanka Axmaarada.

Taliska khalkhashan ee wayaanaha ayaa bilihii lasoo dhaafay samaynayay iskuday kasta oo uu kudaminayo colaadaha wadanka kajira iyo kacdoonka Gobolada Axmaarada iyo Oromada kasocda mudada dheer wuxuuna taliska wayaanuhu dhowr jeer Gobolka Axmaarada kusoo rogay xukun dag dag ah.

Kacdoonka lagu diidanyahay taliska wayaanaha iyo cawaantiisa ayaa sababay is aaminaad daro wayn oo sookala dhex galay saraakiisha sarsare ee wayaanaha iyo hay’adaha kala duwan ee xukuumada, waxaana siwayn usoo shaac baxay khilaafka udhaxeeya kooxda EPRDF/TPLF ee talada wadanka mudada dheer xooga kuhaysatay.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa wadanka kabaxsaday saraakiil sarsare oo hogaanka wadanka kadhex muuqday iyo dad kale oo caan ah sida ganacsato, duuliyeyaal, dhakhaatiir, ciyaartooy iyo dad kale oo caan ah, kuwaas oo wax wayn kabadalay xaalada siyaasadeed ee wadanka gumaysiga Itoobiya.

Hadaba iskudayga ay gudiga amniga ee Gobolka Axmaaradu wadaan ayaa ah mid kamid ah qorshayaashii horay loogu fashilmay, waxaana lahubaa in uu soo kordhin doono xidhay iyo dil loogaysto dadka shacabka ah oo kaliya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay