Wararka ka imanaya wadanka boqortooyada Sucuuda ayaa sheegaya in ay ciidamada amaanka ee Sucuudigu ay qabteen saraakiil Itoobiyaan ah oo watay daroogo aad ubadan oo ay doonayeen in ay si sharci daro ah wadanka kugaliyaan.

Sida xogta aan kuhelayno ciidanka amaanka ee wadanka boqortooyada Sucuudiga ayaa qabtay 27 nin oo Itoobiyaan ah kuwaas oo watay 721KG oo daroogo ah, waxaana sida lasheegay ay ragan Itoobiyaanka ah doonayeen in ay si tuugo nimo ah kugaliyaan gudaha wadanka Sucuudiga.

Col. Saher Binu Muxamed oo ah ninkan howlgalkan fuliyay ayaa sheegay ragan Itoobiyaan ka ah ee gacanta lagu dhigay in dhamaantood xabsiga ladhigay isla markaana maxkamad lasoo taagi doono wixii uu sharcigu qabana lamarin doono.

General Mansuur Al-turki oo ah taliyaha ciidamada ladagaalanka daroogada iyo musuqa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Col. Saher uu qabtay shaqo aad muhiim u ah isla markaana lagu abaal marin doono shaqadiisa wanaagsan.

Ma aha markii ugu horaysay oo dad Itoobiyaan ah lagu qabto kaganacsiga daroogada iyo waxyaabo kale oo aan sharci ahayn, waxayna taasu kadambaysay kadib markii safaaradaha wayaanuhu ay ku lugyeesheen ganacsiga sharci darada ah iyo musuq maasuqa.

Ragan Itoobiyaanka ah ee daroogada lagu qabtay ayaa lasheegayaa in ay dhamaantood yihiin kaadirkii wayaanaha kuwaas oo mudooyinkii udambeeyayba kutartamayay ganacsiga sharci darada ah si ay dhaqaalo badan usameeyaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay