Ra’iisul-wasaaraha Israa’iil Binyamin Netanyahu ayaa golihiisa wasiirrada u sheegay in hey’adda QM ee qaxootiga Falastiiniyiinta ah caawisa ay sii seeto-dheereyneyso dhibaatada, lama huraanna ay tahay in la xidho.

Netanyahu ayaa ka cawday hey’adda gargaarka QM ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano UNRWA isagoo xusay in ay diiradda saareyso oo kaliya qaxootiga Falastiiniyiinta ah, lacagaha lagu maal-galiyana ay tahay in loo wareejiyo UNHCR. Hay’adda ayaa ku doodeysa in ay gargaar u fidiso ilaa 5milyan oo qaxooti ah, kuwaas oo mutaystay adeegeeda.

Qaxootigaasi ayaa ah kuwii guryahooda kaga cararay dagaalkii lagu aas’aasay Israa’iil sanadkii 1948-kii ama tafiirtooda. in kabadan hal milyan iyo badh Falastiiniyiin ah ayaa ku nool xeryo Qaxooti oo ku kala yaala dalalka Urdun, Libnan, Suuriya, daanta galbeed iyo waliba Gaza.

Afhayeen u hadlay wakaaladda UNRWA oo la yiraahdo Chris Gunness ayaa sheegay in hey’addu ay sii wadi doonto waajibaadkeeda ilaa inta xal dheeli-tiran oo joogta ah laga gaadhayo arrinta qaxootiga Falastiin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay