Masuuliin u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in koox  ay u malaynayaan in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab ay jareen Isgaadhsiintii Magaalada Katulo ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Taliyaha booliska Wajeer Stephen Ngetich,ayaa xaqiijiyay in niman hubeysan ay gantaal ku dhufteen dhismaha laanta shirkada Safaricom ee Magaalada Katulo halkaas ay ku burburtay anteenadii sahleysay wada xidhiidhka dadka degaanka iyo dalka Kenya intiisa kale.

Waxaa uu sheegay in saraakiisha iyo ciidamada Kenya ee deegaankaas ay badqabaan islamarkaana uusan jirin qof ay wax ku gaadheen weerarka Al-shabaab ee Magaalada Katulo. Weerarkan ayuu sheegay in uu dhacay Axadii iyadoo ciidamada Amaanka ee fadhigoodu yahay Ceelwaaq iyo Kuwa Katulo uu xidhiidhkooda jarmay muddo kooban hase yeeshee markii dambe la adeegsaday isgaadhsiinta dowladda u gaarka ah.

Stephen Ngetich,waxaa uu xusay in aysan ogolaaneyn in nabadda iyo amniga Wajeer oo uu sheegay in uu hadda wanaagsan yahay aan la caqabadeyn karin, ayna ku dadaalayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada Al-shabab ee deegaankaas.

Al-shabaab dhinacooda kama hadlin weerarka ay Kenya ku eedeysay waxayna Kenya marwaliba sheegtaa in weerarada ka dhaca deegaankaas ay fuliyaan Al-shabaab, kuwaas oo inta badan lala beegsado Ciidamada Kenya iyo dadka Kenyaanka ah ee aan u dhalan Gobolka Waqooyi Bari.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay