Wararka naga soo gaadhaya magaalada Maqale ee xarunta Gobolka Tigrey ayaa sheegaya in kooxda shir qabashada ku khafiiftay ee TPLF ay halkaas kuqaban doonaan shirwayne ay kudoonayaan in ay cimriga ku korodhsadaan.

Shirwaynahan oo sida lasheegay furmidoona Khamiista bari ah ayaa lagu wadaa in uu socdo mudo 8 bari ah, waxaana sida lagu wado kasoo qayb gali doona 2500 oo qof oo udhashay qoomiyada Tigrey.

Shirka ayaa sida lasheegay looga golleeyahay in ay kooxda TPLF tu hesho talooyinka shacabka taageersan ee Tigrey, iyo taageero dheerad ah uga hesho qoomiyada ay ku abtirsadaan ee Tigreega, kuwaas oo sootaageerayay 26dii sano ee lasoo dhaafay.

Hase yeeshee shirkan ayaa kusoo aaday xili ay kooxdu kufashilantay siyaasadii arimaha dibada iyo tii gudahaba isla markaana ay dadka ree Itoobiya siwayn colaad ugu hayaan qoomiyada tirada yar ee Tigrey, taas oo gumaad badan ugaysatay shucuubta kala duwan.

Dadka udhuun duleela arimaha shirwaynaha TPLF ayaa sheegaya in ay kooxdu wajihi doonto eedaymo kaga yimaada shinaca waxgaradka iyo aqoonyahanka qoomiyada Tigreega, kuwaas oo kooxda ku eedayn doona in ay mas’uul kayihiin maamul xumada iyo fashilka wadanka kadhacay. Sidoo kale waxgaradka ayaa lafilayaa in ay colaada qoomiyada Tigreega loohayo ku eedayn doonaan hogaanka kooxda TPLF.

Shirarka isdaba jooga ah ee kooxda fashilantay ee TPLF ayaa lagu macneeyay habar dhiliwayday aleelo kuwaalatay, waxaana lafilayaa in uu shirkanu noqdo shirarkii hore oo kale.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay