Wararkanaga soo gaadhaya wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay habeenimadii xalay magaalada Addis Ababa u ahayd habeen rabshado iyo qulqulatooyin ay kajireen gudaha magaalada caasimada ah ee Addis Ababa.

Sida xogta aan kuhelayno dhalin yaro abaabulan oo siwayn uga soo horjeeda xukuumada wayaanaha ayaa fiidnimadii habeenkii xalay ahaa bilaabay dhajinta waraaqo ay taliska wayaanaha iyo cawaantiisa ugu sheegayeen in uu wakhtigoodii dhamaaday isla markaana lagaadhay wakhtigii cadaalada.

Waraaqahan oo laga buuxiyay erayo lidi ku ah xukuumada wayaanaha ayaa lagu dhajiyay meelaha faras magaalaha ah ee dadku ay isugu yimaadaan iyo goobaha kale ee muhiimka ah sida xafiisyada, iskuulada, jaamacadaha iyo waliba hoteelada ay inta badan yimaadaan saraakiisha wayaanuhu.

Dhalinyaro warbaahinta maxaliga ah waraysi siiyay ayaa sheegay in ay siiwadi doonaan kacdoonka ay kabilaabeen magaalada Addis Ababa, waxayna dhalintu sheegeen in dadka daafaha wadanka lagu xasuuqayo iyo kuwa la isku dirayo ay yihiin dadkoodii isla markaana ay difaaci doonaan.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa dhankooda kumanaan ciidamo ah oo dheeraad ah kusoo daadiyay wadooyinka waawayn ee magaalada Addis Ababa iyo waliba xaafadaha, sidoo kale ciidamada ayaa bilaabay in ay siwayn u ilaaliyaan xarumaha xukuumada wayaanaha ee magaalada Addis Ababa.

Ciidamada aan akhlaaqda lahayn ee wayaanaha iyo shacabka dulmi diidka ah ee magaalada Addis Ababa kudhaqan ayaa lafilayaa in ay fooda isdari doonaan baryaha soosocda, waxaana lasaadaalinayaa in magaalada Addis Ababa ay noqon doonto goob colaadeed.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay