Wasiir kusheega gaashaan dhiga Itoobiya Siraj Fergesa oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in howl gal ay ciidamadiisu qaadeen ay kusoo qabteen qalab ciidan oo sida uusheegay ladoonayay in amaanka wadanka khal khal lagu galiyo.

Siraj Fegesa wasiir kusheega gaashaan dhiga ee xukuumada wayaanaha ayaa sheegay in ay soo qabteen 270 qori oo nooca AK 47 ka looyaqaano ah, 200 oo bastooladood iyo 6600 oo rasaas ah, wuxuuna Siraj sheegay in hubkaas ladoonayay in khal khal lagu galiyo amaanka wadanka isla markaana lagu laayo dadka amaanka kashaqeeya iyo dadka shacabka ah ba.

Hubkan uu Siraj Fegesa soo bandhigay ayaa lasheegay in uu yahay hub been abuur ah oo mudo hore lagu qabtay wadan kale oo dunida kamid ah, waxaana lasheegay in uu wasiir kusheegu adeegsaday sawiro Google ka laga soosaaray oo mar hore ay warbaahintu isticmaashay.

Khuburo dhinaca hubka ah oo arintan kahadlay ayaa sheegay in ay xukuumada wayaanaha sharaf dhac kutahay hadalkan uu jeediyay Siraj Fegesa, waxayna khuburadu sheegeen in wasiirku uu caalamka ka iibin rabo riwaayad aan gadmaynin oo horaan loojilay.

Khuburadan dhinaca hubka ah ayaa sheegay in Siraj uu doonayo labo arimood oo kala ah in ay ciidamadiisu qaadaan weeraro dad lagu bartilmaameed sanayo isla markaana ay ku eedeeyaan ururada ay iyagu argagixisada uyaqaanaan ee kadagaalama wadanka iyo dadka kacdoon wadayaasha ah iyo in ay dad aad ubadan soo qaqabtaan kadibna ay ku eedeeyaan in ay falal amaanka kadhan ah wadeen.

Siraj Fegesa ayaa shirkiisii jaraa’id ee shalay kusheegay hadalo badan oo calaacal ah iyo waliba catoow, wuxuuna sheegay in dhibaatooyinkii kadhacay xuduuda Ogadenia iyo Oromia aan wax dad ah loosoo qaqabanin arintaasna ay kaseexdeen maamulada laba gobol.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay