Wararka naga soo gaadhaya magaalada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay saraakiil katirsan ciidamada gumaysiga oo sida lasheegay fal dambiyeed gacanta kula jiray.

Afhayeen uhadlay ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa sheegay in saraakiisha laqabtay ay xidhiidh dhaw lalahaayeen Jabhada Xoraynta Oromia ee OLF, wuxuuna afhayeenku sheegay in ay gacanta kula jireen falal amniga kadhan ah.

Saraakiisha laqaqabtay oo dhamaantood udhashay qoomiyada Oromada ayaa lasheegay in katirsanaayeen qaybta bari ee ciidamada wayaanaha gaar ahaan Dagmada Dhoobawayn ee Gobolka Qoraxay.

Saraakiisha laxidh xidhay ayaa lasheegay in ay hada kujiraan xabsi kuyaala magaalada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay, waxaana lasheegay in loogaystay jidh dil aad uwayn waxaana sida lasheegay lagu sameeyay bahdil aan caadi ahayn.

Saraakiisha laqaqabtay ayaa magacyadooda lagu sheegay Ibraahim Gure, Iskindir Adem, Shimalis Berhanu, Chala Isana iyo Habtamu Fana, waxaana lasheegay in ay jagooyin kala duwan kahayeen ciidamada gumaysiga Itoobiya, gaar ahaa qaybta bare ee Harargee looyaqaano.

Arintan ayaa muujinaysa meesha uu gaadhay kala shakiga ciidanka wayaanuhu, waxayna howshu gaadhay in saraakiil kashaqaysa Ogadenia lagu eedeeyo in ay gacan saar laleeyihiin Jabhada hubaysan ee Oromia kadagaalanta.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.