Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ee gacanta Gumaysiga Itoobiya kujira ayaa sheegaya in dhalinyaro is abaabushay oo u dhalatay qoomyada Oromada ay weerar kuqaadeen xabsi ay ku xidhnaayeen dad aad ubadan oo shacab ah.

Sida xogta aan ku helayno ururka dhalinta Oromada ee lagu magacaabo Qeeroo ayaa weerar kuqaaday xabsi wayn oo kuyaalay magaalada Garamulata oo katirsan galbeedka Gobolka Harargee, waxaana sida lasheegayo dhalinta usuurta gashay in ay lawareegaan gacan kuhaynta xabsiga magaalada.

Dhalinta Qeeroo oo gacan wayn kahelayay dadka deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga kasiidaayeen dhamaan maxaabiistii halkaa ku xidh xidhnaa oo aad ubadnaa, waxaana lasheegayaa in ay burburiyeen goobo xabsiga kamid ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkayeen qaar kamid ah ciidankii ilaalada Xabsiga oo dhagax lagu eryanayo iyo waliba kuwo kale oo ladhaawacay, sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen dadkii maxaabiista ahaa iyo dhalintii xabsiga weerartay ee Qeeroo oo isku dhinac ubaxay kadib markay mudo xabsiga haysteen.

Arintan ayaa ka makhraati kacaysa tabar yarida xukuumada wayaanaha iyo dhiiranaanta dadka shacabka ah ee lagumaysto, waxaana lasheegayaa in ciidamadu ay noqdeen kuwo aad uniyad jabsan oo shacabka kacarara.

Sida aan lawada soconay waxaa bilihii lasoo dhaafay meelo badan oo Itoobiya kamid ah kadhacayay weeraro ay shacabku kuqaadayeen saldhigyada ciidamada wayaanaha, waxaana jiray dhowr goobood oo ciidanka gumaysiga laga qabsaday.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay