Madaxwaynaha Eritrea Isayas Afwerk ayaa lagu soo waramayaa in uu socdaal howleed kujooga wadanka Masar, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay dhigiisa wadanka Masar Cabdifataax Al-sisi.

Sida aan xogta kuhelayno madaxwayne Isayas Afwerk ayaa casuumad rasmi ah kahelay madaxwaynaha wadanka Masar Cabdifataax Al-sisi, si ay uga wada hadlaan danaha badan ee kadhaxeeya labada wadan, iyo arimaha Gobolka Geeska Africa.

Safarka Afwerk ayaa lasheegayaa in uu calool xanuun kuriday taliska wayaanaha oo ay xurguf u dhaxayso labada wadan ee Masar iyo Eritrea, waxaana lasheegayaa in taliska wayaanuhu uu bilaabay hantaataca ku aadan safarka Afwerk ee Qaahira.

Taliska wayaanaha ayaa lasheegayaa in uu khatar wadankiisa kusoo food leh u arko heshiis kasta oo dhex mara wadamada Gobolka gaar ahaan kuwa ay xurguftu kala dhaxayso sida Masar iyo Eritrea, oo ah laba wadan oo xidhiidh wanaagsan uu kadhaxeeyo.

Xukuumada wayaanaha ayaa xumaysay xidhiidhkii kala dhaxeeyay labada wanba waa Eritrea iyo Masar e, wuxuuna taliska wayaanuhu dagaal qaawan kuqaaday wadanka Eritrea sanadkii 1998, wuxuuna ku qabsaday dhul ay Eritrea leedahay.

Sidoo kale xukuumada wayaanaha ayaa dhistay biyo xidheen wayn oo ay ku leexsan rabaan biyaha wabiga Nile oo ay intifaacsadaan Malaayiin shacabka Masaarida ah, waxaana labada wadan soo kala dhex galay khilaaf xoogan oo ku aadan leexsashada biyaha Nile ka ee taliska wayaanaha.

Isku soo wada duub oo booqashada Isayas Afwerk ee wadanka Masar ayaa wadna qabad kunoqotay xukuumada wayaanaha, hase yeeshee kulanka labada madaxwayne ayaa ku aadan xidhiidhka labada wadan ee Eritrea iyo Masar.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay