Gudiga Fulinta ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) ayaa  shir muhiim ah uu maanta uga furmay caasimada wadanka Sweden ee Stockholm.

Shirkan maanta Stockholm uga furmay Gudiga Fulinta ee JWXO oo dhawr bari socon doona haduu ilaahay yiraahdo ayaa lagu qiimaynayaa xaladaha kala duwan ee halganka xaq u dirirka shacabka Somalida Ogadenya & isbadalada lafilayo inay ka dhacaan  geeska afrika.

Waxaa kulankan lagu falanqeyn doona arrimo badan oo kusaabsan halgankan Ogadenya. Qodobada maanta lagu soo bandhigayo kulankan ayaa waxaa kamid ah qorsheyaal dhaxalgal ah oo kusaabsan sidii loo dardar galin lahaa hawlaha halganka isla markaana looga hortagi lahaa qorsheyaasha guracan iyo tabaha kala duwan ee Gumaysiga Itoobiya ku doonayo in lagaga hortago horumarka halganka Ogadenya uu gaadhay waxaa sido kale lagu soo qaadan doona sida shacabka ogadenia lagu bararujin laha muhiimada ay ledahay sidii loga faiidaysan laha is badalada kor lagu xusay & marxaladan kala guurka ee bur burka gumaysiga.

ONA/Hegan.
Swedan.

By Heegan

Sweden ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay