Inaalilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun- Waxaa Tacsi udireyna dhamaan Eheladi iyo Asxaabtii Halganka ee uu ka geeriyoday Marxuum Mahad Cumar Cali. Wuxuu ahaa abwaan iyo  halgamaa qaali ah.
Marxuumka Waxa uu ku geeriyoday Magalada Djibouti waxaana lagu Aasay Magaalada Djibouti 27/02/2012.
Waxa Allaah uga baryaynaa inuu janadii kawaraabiyo.  dhamaan shacbiga somalida ogadenia uu samir iyo iimaan kasiiyo
aamiin Amiin Amiin.
Taariikh Kooban:
Marxuum mahad wuxuu qiyaastii dhashay 1968 sida uu dada uu iisheegay aan ka qiyaasay
wuxuuna kudhashay ogadenia gaar ahaan galbeedka ogadenia balbalayti inkastoo qoyskooda inta badan ay kunoolaayeen aaga dhagaxbuur.
Mahad wuxuu kusoo barbaaray ogadenia isagoo dhalinyara ah ayuu kayimid wuxuuna kusoo koray waqooyiga Somalia- hargaysa halkaas ayuu mudo kunoolaa sanadihii 80 tameeyadii ayuu jabuuti usoo wareegay halkaas ayuu ku guursaday dhawr haweena hasa ahaatee way kala tageen badankood hal xaas ayaa kusoo hadhay waxayna udhashay 3 caruur ah oo ay 2 wiil oo barbaaro yihiin.
Mahad oo ahaa nin caan ku ah sameynta midhaha suugaanta oo uu u samayn jiray heesaha laxankana wuu saari jiray. Waxa uu carabka uu music kadhigi jiray sidaas ayuu kulabaxay fanaanbaadiye. Kooxda danab wuxuu baray sida carabka music looga dhigo.
Sanadkii 2001 laga billaabo illaa uu ka geeriyoday mahad waxa uu u taagna abaabulka Shacabka Somalida Ogadeniya isaga oo soo saaray Suugaan badan oo uu ku abaabulayo Shacabka kuna dhiiri galinayo inay ka qeyb qaataan sidii ay Jihaadka Ogadeniya uga qeybqaadan lahaayen ee lagu xoreynayo Shacabka Somalida Ogadeniya ee Xaqdarada iyo Gumeysiga looga xoreyn lahaa.
2002 ayaa mahad & n/hure c/rashiid xaaji c/raxmaan {c.rashiid ganay}iyo xubno kale oo ay iyagu abaabuleen ku aas aseen kooxda fanka iyo suugaanta JWXO ee gurmadqaran looyaqaano oo xiligaas la odhan jiray {Halgan}
 Marxuum Mahad wuxuu ahaa nin dabeecad fiican oo aad ucalool fayaw oo qalbi jilicsan
Mahad wuxuu kaalin laxaad leh kaqaatay horumarinta jaaliyadaha Geeska Afrika gaar ahaan dhanka fanka- riwaayado badan ayuu si gaara isagu sameeyay qaarna wax kasameeyay. laakiin waxuu isagu kali ku ahaa laxanka heesaha afka laga sameeyo oodhan. Mudo kooban waxa uu kamaqna DJibouti waxa uuna kusoo laabtay Sanadkii 2007.
Mahad Sanadkii hore ayaa Waxaa lagu xidhay Wadanka DJibouti halkaas oo uu dhowr bilood ku xidhnaa xabsiga si xaqdaro ah ayaana lagu xidhay. Mahad waxa uu ku xanuunsaday Xabsiga dhexdiisa  isagoo xanuunkiisa mar aan wada hadalay iigu sheegay dhaxan feedhaha kudhufatay dhakhtar fiicana muusan helin bukaan socod ayuu iska ahaa ilaa xiligaas.
Marxuumku waxa uu kamid yahay Ummada Somalida Ogadeniya ee ku nool Geeska Afrika. Dhibaatoyinka kala gadisan ee Gumeysi iyo cadaadis kala kulmay Gumeysiga.
Ilaahay waxaan uga baryayaa mahad inuu janadiisii kawaraabiyo.
Dhamaan shacabka somalida ogadenia ee uu ka geeriyoodayna uu samir & iimaan kasiiyo
aamiin aamiin
Waxaa Soo diyariyay
Bashir A Gurey
ONA
 
 

1 Comment

  1. maxamed says:

    Innaa Lilaahi wa inaa Ilayhi raajicuun

    Allaah ha u naxariisto Marxuumka

    Taariikh Wanaagsan ayuu ku lahaa Halganka Ogadeniya waana la xasuusan doona, isaga iyo Rag badan oo Halganka Kasoo qeybqaatayba.

    Maxamed
    London, UK

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay