Waxaa si habsami ah maalin tiisii koobaad loogu soo gabagabeeyay shirwaynihii Jaaliyada Ogaadeniya ee Koonfur Afrika kaasoo ka socda Magaalada Pretoria, shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay xubnaha jaaliyada Ogaadeniya maamulka iyo masuuliyiinta ka tirsan Jwxo kuwaasoo qudbado kala duwan ka jeediyay.

Shirka ayaa wuxuu socon doonaa mudo laba maalmood ah shirwaynahan ayay jaaliyadu waxay qabataa sanadkiiba mar waxaana loogaga hadlaa arimaha halganka Ogaadeniya wax qabadka jaaliyada Ogaadeniya waxaa sidoo kale lagu doortaan Maamul cusub oo hogaanka jaaliyada la wareegaya.

Shirkan ayaa waxaa qudbado ka jeediyay masuuliyiin kala duwan waxaa kale oo wacdaro ka muujiyay kooxda Birjeex oo kusoo ban dhigtay sugaan halgameed iyo barnaamijyo guubaabo ah.

Shirka ayaa wuxuu maalintiisii koobaad oo maanta ah kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA/Pretoria.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay