Dowladda Qatar ayaa cabasho ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, iyadoo ku eedeysay inay ku soo xadgudubtay hawadeeda.

Dacwadan ayaa Wakiilda joogtada ah ee Qatar u fadhida Qaramada Midoobey ayaa cabashada u gudbisay Golaha Ammaanka, iyagoo sheegay in diyaarad dagaal oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta ay ku soo xadgudubtay Hawada Qatar.

Marwo Alya Ahmed Al Thani, ayaa u gudbisay dacwadan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres. Waxa ay ku eedeesay Imaaraadka inay si cad ugu soo xadgudbeen dowladda Qatar, xuduudaheeda iyo amniga dhulkeeda, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah.

Fariinta Cabashada ee Qatar gudbisay ayaa lagu sheegay in dowladda Qatar ay qaadi doonto wax walba oo lagama maarmaan ah, si ay u difaacdo hawadeeda, xuduudaheeda iyo amniga Qaranka. Wakaalada Wararka Qatar ee loo yaqaano QNA ayaa sheegtay in xadgudubka lagu sameeyay hawadooda ay dhacday 21-kii bishii December ee sanadkii hore 2017.

Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Bahrain ayaa horaantii bishii June ee sanadkii 2017 xiriirka u jaray dowladda Qatar, waxaana ay ku soo rogeen xayiraado ganacsi iyo in diyaaradaha Qatar aanay isticmaali karin hawadooda, iyagoo ku eedeeyay inay taageerto Argagixisada, inkastoo dowladda Qatar ay beenisay eedeymahaas.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay