Shirka Gudiga Fulinta ee JWXO oo shalay ka bilaabmay magaalo madaxda wadanka Sweden ee Stockholm ayaa waxa u maanta galay maalitiisii 2aad. Kulankan oo lagu falanqeeyay doono arrimo badan oo kusaabsan halgankan Ogadenya kasocda ee lagu xoreeynayo wadanka Ogadenya.

Qodobadii maanta laga doodi doono waxaa kamid ahaa Sidii kor loogu qaadi lahaa arimaha Ururka oo muhiim u ah  halganka lagu xoraynayo Ogadenya. Waxaa kaloo diirada lasaari doonaa  sidii wacyiga iyo garaadka bulshada Ogadeniya kor loogu qaadi lahaa isla markaana loogu diyaar garoobi lahaa isbadalada  ka socda geeska Afrika ee saamaynta tooska ah iyo dadbanba ku leh halganka Ogaadeniya.

Waxaa si hufan looga wada hadlay sidii looga hortagi lahaa qorsheyaasha guracan iyo tabaha kala duwan ee Gumaysiga Itoobiya ee lagu doonayo in lagaga hortago horumarka halganka Ogadenya uu gaadhay.

La soco ONA faahfaahinta ku saabsan Shirka Guddiga Fulinta.

By Heegan

Sweden ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay