Falka lagu fuliyay dadweynihii daganaa Gunagado marka laga eego dhanwalba waxaa lagu tilmaami karaa inuu ahaa xasuuq ula kac ah oo ujeedo fog uu ka lahaa gumaysiga. Fal-dambiyeedka shaqsiga ah iyo midka ka dhaca xukuumad waxyaaba badan ayay ku kala duwan yihiin. Waxaa ka mid ah waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin fal-dambiyeedka shaqsiga ah iyo midka ay xukuumad dajiso hadafka laha leeyahay iyo ujeedada loo dajinayo falka intaanu dhicin iyo natiijada laga doonayo in lagu gaaro fal-dambiyeedkaa marka la fuliyo.

Qofka si dhab ah ugu fiirsada xasuuqa ka dhacay Gunagado, wuxuu ogaanayaa in ujeedada laga lahaa ay tahay inuu falkaasi abuuro dareen ah (reer hebel ayaa nalaayay), ka dibna uu ka bilowdo aagaa dagaal sokeeye. Waxaana arinta inay sidaa ahayd kuu muujinaya markaad raadraacdo habka loo bilaabay falka iyo siduu u socdo hadda. Qorshaha dambiilaha lagama yaabo inuu noqdo mid dhamaystiran oon raadraac aanu ka hadhin. Waa midda ay dadka dambiyada baadha yidhaahdaan Raadraaca  –Trace Evidence -. Xasuuqa uu gumaysiga ka fuliyay Gunagado raadraaciisa wuxuu u dhacay sidan;

Halkan ka akhri

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay