War saxafadeedkii Kasoo Baxay Shirwaynihii 15 aad Jaaliyada Ogaadeniya Koonfur Afrika.

Waxaa si guul ah kusoo dhamaaday shirweynahii 15 aad ee Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee Konfur Afrika Waxaa la isla gartay in la dardargaliyo howlaha halgan ee ka socda wadanka South Afrika waxaana lagu qaatay qorshayaal muhiim ah oo ku aadan shaqooyinka ay qaban doonaan ururadda bulshadda, arimaha xuququl insaanka iyo sidii saxiibo cusub usoo kasban lahaayeen halganka iyo bulshada Ogaadeniya.

Bogaadin

Shirwaynahan Maanta soo gabagaboobay ayaa waxaa lagu doortay maamul cusub waxaana lagala wareegay maamulkii hore ee hogaaminta jaaliyada soo hayay, Waxaana ergooyinka shirku ay bogaadiyeen maamulkii hore ee xilka soo hayay waxaa shirku ku booriiyay dhamaan umadda reer ogadeniya in ay u midoobaan Gumaysiga naflacaariga ah ee wakhtigiisu dhamaaday.

Cambaarayn

Waxaa shirku canbaareeyay falal waxshinimada ah ee isugu jira Xasuuqa barakicinta dilka iyo xidhayga gumaysiga Iyo gacan yarayaasha ay ku hayaan shacabka Soomaalida Ogadeniya.

Wuxuu Shirku tacsi idiraynaa dhamaan shacabka soomaaliyeed ee lagu xasuuqay aagga balbalaiti waxaana ilaahay uga baryaynaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo dadkii lagu laayay.

Shirwaynihii Jaaliyada Ogaadeniya Ee South Afrika.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay