Weerar loo adeegsaday gaaska Koloriinka ayaa sida wararku sheegayaan waxaa lagu qaaday deegaan lagu hareereysan yahay oo fallaagadu haysato oo ku yaala duleedka magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Dadka ku nool Gobolka bariga Ghouta, kaasoo maalin kasta la duqeeyo ayaa ku soo waramay in uu u soo uray gaas, kadib weerar gantaal sida ay saxaafadu ogaatay. Shaqaalaha caafimaadka waxay sheegeen in lix qof laga daweeyay xanuuno yaryar oo xaga neefsashada ah.

Ilaa 400,000 oo qof ayaa waxaa halkaa ku hareereeyey ciidanka uu Ruushku taageero, tan iyo 2013. Waxaa jiray tiro weeraro ah oo loo adeegsaday gaaska Koloriinka ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Suuriya, laakiin xukuumadu waxay mar walba beeninaysaa in ay hub kiimiko ah adeegsatay.

Gobolka bariga Ghouta ayaa ah mid istaraatijiyad ahaan muhiim ah, ayadoo fallaagada halkaa saldhigga ku leh ay awood u leeyihiin in ay gantaallo ku ridaan xaafadaha ay dadku dagan yihiin ee magaalada Dimishiq.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay