Midowga Afrika (AU) ayaa ugu baaqay Donald Trump in uu ka laabto hadal gaf ahaa oo la sheegay in uu u adeegsaday wadamada Afrika isla markaana uu raaligalin hadalkaasi ka bixiyo.

Bayaan si adag loo soo qoray ayuu Ururka AU ku muujiyay sida uu uga cadhaysan yahay hadallada la sheegay, kuwaas oo sharaf dil ku ah qadarinta Maraykanka uu siin jiray kala midab duwanaanshiyaha.

Wakiilada AU ee ku sugan caasimada Mareykanka ee Washington, ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin, ugana cadhaysan yihiin oo ay u diidan yihiin hadalkii la sheegay in uu kasoo yeedhay Trump, taasi oo ay ku sheegeen in ay xaqiijineyso in maamulka Maraykanka uu si khalad ah u fahmay qaarada Afrika.

Wasaarada Arimaha Dibadda ee Botswana ayaa u yeedhay safiirka dalkeeda ee Maraykanka, waxa ayna hadalka madaxweyne Trump ku tilmaantay mid aanan loo dulqaadan karin oo khayrul mas’uulnimo ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Botswana ayaa sheegtay sidoo kale in ay rajeyneyso in dadka Mareykanka aysan la qabin Trump fikradan ka dhanka ah dalalka Afrika.

Dr Pelonomi Venson Moitoi, ayaa u sheegtay BBC-da in erayga uu adeegsaday madaxweyne Trump uu ku yahay gaf qaarada Afrika. Hadalada lagu eedeeyay in uu sheegay Trump ayaa yimid xili xildhibaanada xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqoraadiga ee Aqalka Congress-ka ay maalintii khamiista xafiiskiisa ku booqdeen Trump si ay uga wada hadlaan arrimaha muhaajiriinta, xiligaas oo ahayd markii uu Trump hadalada gafka ah jeediyay.

Balse Trump ayaa fariin uu kusoo qoray Twitter-kiisa waxa uu ku sheegay in erey bixinta uu isticmaalay ay ka duwanayd tan ay warbaahinta faafisay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay