Filimkii Silent Cry oo kasoo bilowday December 2011 Wadanka UK, oo u gudbay wadamada Europe sida Finland, Denmark, Sweden iyo qaarada Afrika  Sida South Afrika, Masar iyo Kenya ayaa waxa lagu soo bandhigay wadanka Australiya iyo Newzealand, Canada iyo Amerika iyada oo magaaladii ugu danbeeysay ee lagu qabtay  aheyd Magaalada Meneapolis.

Hoos kadaawo filimkan oo ka hadlaya Dhibaatada  xasuuqu leeyahay waxaana ka hadlaya Madax ka tirsan Gobolka Meneapolis. Dad hadda kahor dadkooda loogeystay Xasuuq iyo Dad Amerika ku dhashay oo kasoo jeeda Ogadeniya. Dhalinta OYSU iyo Jaaliyada Somalida Ogadeniya ee Meneapolis-

Kadib markii Filimka ladaawaday waxa hoosta laga xariiqay:

In Xasuuqa Ogadeniya uusan aheyn Taariikh Ogadeniya kaliya, Waa Qadiyad Caalamka oo dhan u taala.

Waa in Xasuuqan iyo Taariikhdan caalamka oodhan la gaadhsiiyo.

Waa Masuuliyad Saaran shaqsi kasta oo Bani aadan ah innuu ka qeyb qaato Ololahan Silent Cry ee OYSU wado.

Dowlada Mareykanka waxa ka saaran masuuliyad gooni ah.

Waxa Masuliyiinti iyo Marti Sharafti kasoo qeybgashay ay balan qaadeen in qisada Xasuuqan Ogadeniya ay Majlisyo badan oo caalami ah ay gaadhsiin doonaan.

ONA

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay