Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in kooxda fashilantay ee TPLF ay wado qorshe lagu balaadhinayo kooxda burburtay ee EPRDF, kuwaas oo 26dii sano ee lasoo dhaafay talada wadanka xooga kuhaystay.

Sida xogta aan kuhelayno xubnaha TPLF oo bilihii lasoo dhaafay kujiray shirar isdaba joog ah oo kasocday magaalooyinka Maqale iyo Addis Ababa ayaa soosaaray qorshayaal dhowr ah oo dhamaan tood naflacaari nimo ah, waxaana qorshayaasha kooxdu ay soowado kamid ah in labalaadhiyo kooxda magac uyaalka ah ee EPRDF oo ay kumidaysan yihiin 4 qoomiyadood.

Qorshan oo markay kooxdu soosaartay lagala hortagay diidmo xoogan ayaa muujinaya in qoomiyadaha ururka EPRDF ku midaysan lagaadhsiiyo 9 qoomiyadood oo kuwa wadanka ugu waawayn ah taas oo micnaheedu yahay in lagu soo kordhiyo 5 qoomiyadood oo kale.

Arintan ayaa lamicno ah, doqontii xaabada qaadi wayday ee xaabada kale soo guratay! Kooxda TPLF ayaa kufashilantay hogaanka guud ahaan wadanka iyo gaar ahaan kooxda EPRDF, waxaana mid iska cad ah in aysan kooxdu maamuli karin qoomiyado kabadan kuwii ay maamuli waayeen ee kumidaysnaa kooxda hada fashilantay ee EPRDF.

Kooxda TPLF ayaa sanadihii lasoo dhaafay shacabka iyo diyaasiyiinta usoo bandhigayay balanqaadyo kala duwan iyagoo sheegayay in ay waxkabadali doonaan qaabka uu wax usocdo, hase yeeshee waxaa dhamaan beenoobay balan qaadyadii taliska wayaanaha.

Raysal-wasaaraha maqaar saarka ah ee wadanka Hailemariam Desaleng oo kasoo jeeda mid kamid ah qoomiyadaha kumidaysan EPRDF ayaa talaabo qaadi waayay, waxaana baryihii lasoo dhaafay fashilinayay ciidanka sirdoonka wayaanaha kuwaas oo u dhiibayay waraaqo isburinaya si uu usumcad beelo wuxuuna laba bari oo isxiga sheegay in uu dad xidhan siidayn doono isagoo isla maalinkii xigay sheegay in aan dadka lasii wada dayn doonin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay