Isbahaysiga ku lugta leh dagaalka sokeeye ee dalka Suuriya ayaa kasoo horjeedsaday qorshe cusub oo uu Maraykanku ku doonayo in xuduuda Suuriya iyo Turkiga uga hirgaliyo ciidamo gaadhaya 30 kun oo ka tirsan Kurdiyiinta, si ay amniga u sugaan.

Madaxweynaha Turkiga Rajeb Tayib Erdogan ayaa qorshahan ku tilmaamay mid argagixiso oo la doonayo in qalaanqal lagu galiyo amniga dalkiisa, wuxuuna wacad ku maray in uu hor istaagi doono qorshe kasta oo lagu tababarayo ciidamadaas.

Dowladda Suuriya ayaa iyaduna qorshahan ku tilmaamtay weerar qaawan oo lagu soo qaaday dalkeeda, halka dowladda Ruushka ay ka digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta. Jabhadan Kurdiyiinta oo lagu magacaabo SDF ayaa qabsaday kumanaan kiilo mitir oo dhulka Suuriya ah, iyaga oo ka qabsaday kooxda Daacish, waxayna gacan ka heleen duqeymaha Maraykanka.

Bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay waxa ay la wareegeen magaalada Raqa, wixii ka dambeeyayna waa ay isa sii balaadhinayeen. Isbahaysiga uu horkacayo Maraykanka ayaa sheegay in ciidamadan ay sugi doonaan amniga xuduudaha Suuriya ay la wadaagto Turkiga iyo Ciraaq, askartana ka koobanyihiin Kurdiyiinta iyo Carabta deegaanadaas dagan.

Jabhadda Kurdiyiinta ayaa ku eg wabiga Furaat, iyada oo dhinaca kale ee wabiga ay ku suganyihiin ciidamada Suuriya ee Bashaar Al Asad. Turkiga ayaa u arka in ciidamada Kurdiga ay xidhiidh la leeyihiin jabhadda dalkaas ka dagaalanta ee PKK oo iyadu raadinaysa xornimada. Erdogan ayaa waxa uu sheegay in uu diyaariyay ciidammada dalkiisa, islamarkaasna ay weerar ku qaadi doonaan deegaanka Afrin oo Waqooyiga Suuriya ka tirsan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay