Madaxa Ismaamulka Falastiin, Maxamuud Cabbaas, oo hadal ka jeedinayey shirka hogaanka Falastiiniyiinta oo ka arinsanayay sida ay uga fal celinayaan go’aanka Maraykanku ugu soo rarayo safaaradiisa magaalada Al-Qudus, ayaa aad u dhaliilay madaxweyne Trump.

Mr. Cabbaas ayaa ku tilmaamay talaabadaa waji gabaxii qarniga, taas oo uu ugu dacal dhabayey tilmaantii uu Trump ku sheegay qorshaha nabada Bariga Dhexe ee Maraykanku wado in uu noqon doono heshiiskii qarniga.

Cabbaas ayaa sidoo kale sheegay in Falastiiniyiintu aanay ka qayb gali doonin qorshahaa mar hadii Trump si cad Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

 

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay