Madaxwaynaha wadanka Eritrea Isayas Afwerk oo warfidiyeenka waraysi siiyay ayaa si adag uga hadlay ciidamada ay wadamada Itoobiya iyo Sudan soo dhoobeen xuduuda wadankiisu uu lawadaago wadamadaas, halkaas oo todobaadkan lakeenay ciidamo kasocda labada wadan ee Sudan iyo Itoobiya.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in ciidamada lakeenay xuduuda ay sadexda wadan wadaagaan ay tahay daandaansi cad oo lagu daandaansanayo wadankiisa, wuxuuna Isayas Afwerk sheegay in ay diyaar uyihiin talaabo kasta oo ay ciidamadaasu qaadaan.

Isayas Afwerk oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in ay haday isku dayaan in ay wadankiisa gudaha usoo galeen aysan hal habeen ah halkaas kubaryi doonin isla markaana ay bixinayaan jawaab ku aadan ciidamadiisuna ay hada diyaar yihiin.

Madaxwayne Isayas Afwer ayaa sidoo kale sheegay in kooxda TPLF oo sida uu sheegay kufashilantay hogaaminta wadankooda ay doonayaan in ay fashiliyaan wadanka Sudan, waxayna kooxdu doonaysaa ayuu yidhi in ay dagaalo karidaan wadamada geeska Africa si jahawareerka siyaasadeed loola wadaago.

Isayas ayaa sidoo kale sheegay in kooxda TPLF ay kufashilantay dhinacyada siyaasada gudaha iyo dibada, Ciidanka, Dhaqaalaha, Amniga, Cadaalada iyo waxkasta oo kooxda loo igmaday, wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in ay hada kujirto kooxdu naflacaari nimo.

Madaxwayne Isayas Afwerk ayaa sidoo kale sheegay in kooxda TPLF ay tahay koox mu’alifiin ah, wuxuuna sheegay in ay hadba dunida iyo dadkoodaba usoo bandhigaan riwaayad cusub, wuxuuna madaxwaynuhu sheegay in ay arintanu tahay mid kamid ah riwaayadahoodii ay dadka ku madadaalin jireen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay