Halganka gaamuray ee ka socda wadanka Ogadenya (Soomaali Galbeed) waa Halgankii adkaysiga badnaa ee abid soo mara Soomaalida ku dhaqan Geeska Africa!, Soomaalida waddaniyadda, qaranimada, xorriyada, cadaalada, iyo sinaanshaha aaminsan waxaa ku waajib ah inay taageeraan halgankan.

Shacabka Soomaalida Ogadenya (Soomaali Galbeed) waxaa ka go’an inay wado kasta u maraan sidii ay xaqooda la duudsiyay usoo ridan lahaayeen. Waxaa ka socda dhulka Ogadenya halgan loo huray wax kasta oo nafiis ah, halgan maal, muruq, maskax iyo dhiig badan loo huray.

Shacabka Soomaalida Ogadenya waxa uu ka mudan yahay walaalohooda Soomaaliyeed in lagu taageero qadiyadooda muqadaska ah haddaysan ku taageeraynin waxaa looga baahan-yahay ummada Soomaaliyeed inayna hagar-daamo u gaysannin oo ayna cadowga ay halganka kula jiraan ee xaqoodii duudsiyay lugta u’qabanin.

Wiilashani qabyaalad, eex, nin-jeclaysi iyo gobolaysi midna ma aaminsana.  Ilaahay dartii yay ku walaaloobeen, waxay naftoodii qaaliga ahayd u hureen inay dadkooda iyo dalkoodaba ka xoreeyaan naxliga Gumaysiga daashaday shacabka Soomaali-Galbee (Ogadenya), xittaa isma yaqaanaan oo waxaa dhacday oon ognahay in qaar kamid ah Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenya (CWXO) ay 10-sano halganka kuwada jireen iyagoon midna midka kale haybtiisa yaqaana uusan jirin, waxay isugu yeedhaan erayo iyo jumlado ixtiraam, naxariis iyo qadarini ay ku dheehan tahay sida Halgame, Naftii-hure, walaal iwm.

Halganku waxa uu ugu joogaa xoriyad iyo sarraynta magaca soomaaliyeed oo kaliya. Mansib iyo magac toona uma halgamayaan. Waxa kaliya ee ay ka dhiidhiyeen waa dhibaatada baahsan ee shacabka Soomaaliyeed ee ku hoos dulman taliska Gumaysiga Itoobiya sidii ay uga xorayn lahaayeen.

Tirada Halgamayaasha Soomaalida Ogadenya ma’aha mid meel kaliya taagan, waa mid isbadasha oo marna korodha marna hoos u dhacda taas oo ay ugu wacan tahay xaalada adag ee ay ku jiraan naftood-hureyaashu, laakiin waxa aan marnaba isbadalaynin waa mawqifka iyo qadiyada ay xambaarsan yihiin ee ay aaminsan yihiin oo ah inay cizi iyo sharaf kula noolaadaan shacabkooda ama ay shihiidaan oo ay janada rabigood helaan.

Hadaba ummadda Soomaaliyeed waa inay halganka noocaas ah hiil iyo hooba la garab istaagaan ama ay dhibka ka daayaan hadaysan taageeraynin oo aysan u hiilinaynin shacabka dulman ee dhiiga iyo dhalashaduba ay wadaagaan.

 

Isha Wararka ee ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay