ONLF oo kudishay weerar 13 Askari oo Ethiopian ah.

21/02/2012 Ciidanka Jabhadda Wadddaniga Xoraynta Ogaadeeniya ayaa weerar uu ku qaaday ciidanka cadawga oo ku sugnaa  Madheedh oo ka tirsan degmada Aware . Waxayna kaga dileen 13 askari halka dhaawac badana ay soo gaadhsiiyeen , ciidankan oo ahaa mid u socday hawlgal ay ku dhibaataynayaan shacbiga ayaa  hadhaagiisii dib loogu soo celiyay  deegaankii uu  ka baxay ee magaalada Awaare

Isla taariikhdan fal gaadmo ah oo ciidanka lagaga fuliyay tuulada Dusmo  ayaa inta la hubo waxaa lagaga dhaawacay hal askari.

Sidoo kale fal gaadmo ah oo ka dhacay  Balli –dhabiile oo ka tirsan garrbo 19/2/12 ayaa waxaa ciidanka cadawga lagaga dhaawacay  2 askari.

Dhinaca kale kamiin ay u galeen ciidanka jabhaddu kolanyo gaadiid ah oo maraysay wadada isku xidha  tuulada Dig iyo degmada Gunadago  ayaa waxaa halkaa  loogu gaystay  gaadiidkii ay wateen khasaare balaadhan, waxaana lagu naafeeeyay laba baabuur iyadoo wixii saarnaa  ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay, waxayna ka jiiteen  baabuurtaasi goobtii.

Waxaa kale oo jira dagaalo kale oo ka dhacay goobo kale  kuwaas oo aan dib idiinka soo gudbin doono

Waxaa wali halkiisii kasii soconaya  dilkii arxandarada ahaa ee ka dhacay deegaanka gunagado ,halkaas oo lagu xasuuqay 14/2/12  dad badan , hadaba dilalkii ugu danbeeyay   oo dhacay 25/2/12 ,ayaa waxaa nasoo gaadhay magacyada dadkii la laayay qaar ka mid ah oo aan idiin soo gudbin doono.

Lasoco Wararka ONA

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay