Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya arin dadka siyaasada falanqeeya ay layaabeen isla markaana ay ku tilmaameen talaabo aad ulidata marka la eego siyaasada caalamiga ah.

Sida xogta aan kuhelayno taliska wayaanaha ee siyaasadiisa arimaha dibada kufashilmay ayaa Safiir umagacaabay Abay Woldu oo horaantii bishan laga eryay xilkii uu kahayay Gobolka Tigrey iyo waliba booskii uu ugu magacownaa kooxda dhagar qabayaasha ah ee TPLF.

Abay Woldu oo ahaan jiray gudoomiyihii ururka TPLF isla markaana ahaa madaxwayne kusheega Gobolka Tigrey ayaa horaantii bishan dhamaan xilalkaas laga xayuubiyay kadib markii lagu eedeeyay xilgudasho la’aan iyo in uu musuq maasuq baahsan ku dhaqaaqay, waxaana lasheegay in siwayn loogu bahdilay shirkii urur kusheega TPLF ee dhawaan laqabtay.

Dadka arimaha siyaasada kafaalooda ayaa aad ulayaaban sababta keentay in qof xilkiisii qabsan waayay loo magacaabo xil kale oo wayn, sidoo kale falanqeeye yaasha siyaasada ayaa aad ula yaaban sida taliska wayaanuhu uu nin aan karti iyo aqoon siyaasad arimo dibadeed toona lahayn loogu aaminay xilka intaas la eg.

Abay Woldu ayaa muda dheer kooxda TPLF dhexdeeda iyo guud ahaan talada wadankaba kamuuqday waxaana lasheegayaa in la ogaaday musuq maasuq aad uwayn oo uu galay, waxaana lasheegay in xaaskiisa uu kadhigay safiirka wadanka Australia ee Itoobiya.

Sidoo kale Abay Woldu ayaa lagu eedeeyay in uu hanti aad ubadan dhacay, waxaana la xaqiijiyay in uu guryo kadhistay wadanka ay xaaskiisu joogto ee Australia, sidoo kale waxaa la cadeeyay in uu bangiyada aduunka ku shubtay lacag aad ubadan.

Sida aan horaan akhristayaasha ONA usheegnayba taliska wayaanaha ayaa bilihii lasoo dhaafay waday qorshe uu boosaska muhiimka ah ugu dhiibayo Kaadirka TPLF, waxaana safaarado badan oo ay wayaanuhu dibada ku leeyihiin loo dhiibay dhalinyaro daacad u ah kooxda TPLF, kuwaas oo iyaguna ku mashquulay wax isdaba marin iyo tahriibinta dadkooda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay