Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu mar kale soo shaac baxay kala shaki hor leh oo lasoo darsay kooxda jaha wareersan ee TPLF.

Sida aan xogta kuhelayno kooxda TPLF ayaa ku andacoonaysa in laxaday sirtoodii isla markaana bogii ay Facebook kulahaayeen lajabsaday, laguna soo daabacay sirtoodii gaar ahaan waxyaabihii ay kaga hadleen shirkii dhawaan magaalada Maqale ugu soo dhamaaday.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in ay arkeen waxyaabihii shirka ay kaga hadleen iyo waxyaabo kale oo lagu daray oo lagusoo daabacay baraha ay bulshadu ku kulanto, waxayna kooxdu arintan ku eedaysay shakhsiyaad iyaga kamid ah.

Hase yeeshee hadalkan kasoo yeedhay kooxda TPLF ayaa ah been ladhoodhoobay, waxayna dadwaynuhu shirka kooxda kala socdeen aalada Facebook oo laga soodaynayay shirka oo toos ama live ah, waxayna dadwaynuhu arkayeen saraakiisha kooxda oo kolba isku xanaaqaysa aadna umurmaya.

Sida aan lawada soconay waxaa sanadihii lasoo dhaafay banaanka siqaysay sirta taliska wayaanaha, waxayna si fudud kacdoon wadayaashu uhelayeen xogta dhabta ah ee taliska wayaanaha, taas oo sahlaysay in ay kacdoon wadayaashu guulaystaan.

Dhinaca kale taliska wayaanaha ayaa shaqaaleeyay in kabadan 5000 oo qof kuwaas oo baraha bulshada kadifaaca xukuumada isla markaana qora warar been ah oo taliska lagu taageeray, sidoo kale taliska ayaa kudadaalay in ay hantaan sirta baxaysa waxaana hal bacaad lagulisay noqday dhamaan isku dayaadaas uu wayaanuhu qaaday.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay