Gudaha dakadda magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu dhax toogtay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Bada oo lagu magacaabi jiray Jen. Saciid Aadan Dheere (Saciid Mariino).

Sarkaalka la dilay oo maamulayay qeyb ka mid ah dakada ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Saciid Mariin, kaasi oo si weyn looga garanayay gudaha Dakada Muqdisho.

Sarkaalkan ayaa waxaa lagu eedeeyay dilkiisa in uu ka dambeeyay nin isaga ku xigeen u ahaa, iyada oo ilaa hada aanan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa.

Ciidamada amaanka gudaha Dakada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay gacan ku dhiiglaha dilka geystay, waxaana laga dhigay Direeyska iyo Hubkii uu watay, iyada oo garba duub loo xiray, kadibna Gaari lagu kaxeeyay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Badda ee ciidanka xoogga dalka iyo laamaha amaanka ee dowladda oo ku saabsan dilka loo geystay Taliyaha ka tirsan Ciidamada Badda Soomaaliya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay